Hijradii/socdaaladii ay nabiga iyo asxaabtiisu u galeen diinta darteed

Hijradii koowaad ee dhulka xabashida. Nabi Maxamed NNKH ayaa markii uu arkay culayska iyo dhibaatada ay qurayshi ku hayso intii raacday waxaa uu faray asxaabtiisii in ay u hijroodaan dhulka xabashida, keddib waxaa u baxay hijradii koowaad toban ni oo kamida asxaabtii rasuulka iyo shan dumara, waxaa kamid ahaa Cusmaan Binu Cafaan iyo xaaskiisii Ruqiya […]

Noloshii nabi Maxamed keddib markii la faray dacwadda.

Maqaalkan waxa aynu kaga hadli doonnaa nabi Maxamed NNKH noloshiisu sidii ay isku badashay keddib markii lagu soo dejiyay waxyiga ee la faray in uu dacwadda gaadhsiiyo dadka, innaga oo kusoo bandhignay maqaalkan kii ka horreeyay sidii ay ahayd nolosha nabi Maxamed NNKH ka hor waxyiga. Waxaa aynu si taxane ah usii wadi doonnaa noloshiisii […]

Sidee ayay ahayd Noloshii nabi Maxamed NNKH ka hor waxyiga.

Maqaalkan kooban waxa aynu kaga hadli doonnaa qaabkii uu u noolaa suubanuheenna nabi Maxamed NNKH ka hor intii aan la soo saarin. Nabi maxamed NNKH ayaa ahaa mid kusoo barbaaray nolol hoose oo aad u adag, waxa uu ahaa addoon uu Eebbe SW  ka badbaadiyay dhaqanadii xumaa ee jaahiliga, xumaan iyo dhaqan xumoba waxa uu […]

Fadliga iyo taariikhda ay leedahay maalinta caashuuraa.

Maqaalkan ayaa aynu kaga hadli doonnaa fadliga ku sugan maalinta qiimaha iyo qaayaha badan ee caashuuraa. Waxaa kale oo aynu sheegi doonnaa waxyaabaha ay ka sheegeen maalintan dadkii wanaagsanaa ee ay la gaarka tahay. Taariikhda ay leedahay maalinta caashuuraa Maalintan ayaa ah maalinkii uu Ilaahay ﷻ ka badbaadiyay nabi muuse daalimkii fircoon, ee la halaagay […]

Hadii aad rabto in aad gaadho guusha nolosha arimahan samee.

Qof walba oo innaga mida waxaa uu jecel yahay in uu gaadho guusha nolosha uu rabo, lakiin waxaa is weydiin leh ma haysaa wadadii saxda ahayd ee aad ku gaadhi lahayd? Maqaalkan waxaa aynu kaga warrami doonnaa arrimo kuu sahlaya in aad gaadho isbedel wanaagsan inta aad ku gudo jirto geeddiga nolosha. Nolosha bani-aadamka ayaa […]

Isku diyaarinta maalinta qiimaha badan ee carrafo

Maqaalkan ayaa noqon doona mid aad iyo aad u muhiima kaasoo aynu kaga hadli doonno maalinta aadka u qiimaha badan ee carrafo, maalin ay soo baxdo cadceedi maalinta ugu fadliga badan. Nolosheenna waxaa inna soo mara maalmo kala duwan, kuwaasoo ku kala duwan xilliyada ay ku kala jiraan, hadaba waxaa inna soo food saartay maalin […]

Shuruudda iyo axkaamta waaweyn ee ku sugan udxiyada.

Waxaa aynu ku gudo jirnaa tobaknii maalmood ee fadliga badnaa, acmaasha la sameeyo maalmahan ayaa ka fadli badan kuwa la sameeyo maalmaha kale, waxaana kamida acmaashaa udxiyada. Tobankan maalmood waxaa ku jira maalin aad u qiimo badan oo dadka badankoodu moogganyihiin, maalintaasoo ah maalinta ciidda, acmaasha maalintan la sameeyo ayaa aad iyo aad u fadli […]

Tobanka maalmood ee ugu qaalisan dunida (10-ka dul xijja)

Maqaalkan waxa aynu kaga hadli donna fadliga ku sugan 10-ka dul xijja ugu horreeya maalmaha, sidoo kale waxa aynu sheegi donna acmaasha ugu fadliga badan ee aynu qabanayno maalmahan fadliga badan. Maalmahan ayaa ah kuwa ugu fadliga badan ee uu Ilaahay ﷻ abuuray, welibana waxa intaa dheer waa la inoo sheegay, hadaba, sidii aad u […]

Calaamado aad ku ogaanayso inta qalbigaagu ku xidhanyahay Allah

Waxa aynu si kooban ugaga hadli doonnaa maqaalkan arrimo kaa caawinaya in aad ogaato masaafada aad u jirto Allah ﷻ. Addoomaha Ilaahay ﷻ waxa ay u kala derejo sarreeyaan sida ay Ilaahay ugu kala dhowyihiin iyo inta ay leegtahay ku xidhnaanshaha quluubtoodu ay Ilaahay ﷻ ku xidhantahay. Derejo uu addoon gaadho iyo sifo uu yeesho […]

Acmaal haddii aad sameyso ajarkoodu leegyahay ka xajka.

Maqaalkan waxa aynu si kooban ugaga hadli doonnaa lix arrimood oo ajarkoodu leegyahay ka xajka, waana acmaal ay aad u fuduahay samyantooodu. Waxaa aynu wada ogsoonahay in acmaasha waaweyn ee uu Eebbe innagu waajibiyay uu ka mid yahay xajku (وَلِلهِ عَلَى النَّاسِ حِجُّ الْبَيْتِ مَنِ اسْتَطَاعَ إِلَيْهِ سَبِيْلًا), Ilaahay waxa uu xaq u leeyahay oo […]

Verified by MonsterInsights