Kusoo dhowaada qaybtii 5 aad ee barnaamijkeenii la magac baxay taxanaha bandhigga ducooyinka qur,aanka, oo aynu kusoo qaadan jirnay maalinba laba duco, kuwaasoo Eebe SW qur,aanka inoogu sheegay.

Ducada sideedaad ee taxanaha ducooyinka qur,aanka

{وَقُل رَّبِّ زِدْنِى عِلْماً}

Ilaahay ayaa SW ku leh nabigiisa Maxamed NNKH waxaad igu baridaa ood iwaydiisataa cilmi aan kuu siyaadiyo.

Cilmiga iyo aqoonta ayaa ah shay aad loo amaanay, isla markaana qof waliba uu jecelyahay in lagu idhaahdo aqoonyahan.

Waxa tusaale taas kuugu filan in hadii aad qof ku tidhaahdo jaahil ayaa tahay, isaga oon aqoon lahayn in uu kaa xanaaqi doono.

(fiirogaara: aniga oo aan dhiirigalinayn in la caayo dadka, ee uga jeeda uun tusaale).

Xidhiidh aad u adag ayaa ka dhexeeya waxbarashada ama cilmiga iyo cibaadada Eebbe iyo cabsidiisa, mar kasta oo cilmigaagu sii kordho waxa sii badanaya Alla kacabsigaaga. { إِنَّمَا يَخْشَى اللَّهَ مِنْ عِبَادِهِ الْعُلَمآؤُاْ }

Ducadan haddii aad akhrisato waxa ay kaa dhigaysa mid jecel waxbarashada, isla markaana ku fooggan sidii uu cilmi iyo aqoon u biirsan lahaa.

Waxa kale oo ducadan la akhrisan karaa waqtiga imtixaanada lagu jiro, waxa ay kordhinaysaa xasuustaada iyo in aad dib usoo celiso wixii maskaxdaadu soo qaybtay.

Waxa lagu boorinayaa arday kastaa inuu fahmo sirta ducadan iyo macnaheeda, si uu uga gudbo caajiska waxbarashada una guuro jacaylka waxa uu qabanayo.

Ducadan ayaa ah dhaxal uu nabi Maxamed NNKH uga tagay aqoonta muslimiinta, hadaba ku celcelinta ducadan waxay ka dhigtaa miyirka kuwa ku celcelinaya in ay cilmi raadiyaan.

Ducada sagaalaad ee taxanaha ducooyinka qur,aanka

Waxa aynu ku sheegi doonaa ducada 9 aad ee taxanaheena laba aayadood oo ka mida ducooyinka qur,aanka, kuwaasoo qofku Ilaahay ku waydiisanayo in uu kaga xjijaabo dhibaatoyinka.

{ فَاللَّهُ خَيْرٌ حَافِظًا وَهُوَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ}

Ducadan ayaa ah ducadii uu nabi Yacquub CS akhriyay markii uu waayay inankiisi uu jeclaa ee Yuusuf, loona sheegay in uu cunay yaygu.

Ducadan ayaa uu ku celcelin jiray nabi Yacquub CS, illa uu markii danbe Ilaahay SW kulansiiyay isaga iyo dhammaan ehelkiisii isla markaana ay meel kuwada noolaadeen.

Hadaba waxa inala gudboon in aynu ubadkeena ugu ducayno ducadan, iyagana aynu barno si uu Eebbe SW uga xjiaabo dhibaatooyinkoo dhan.

{فَسَيَكْفِيكَهُمُ اللَّهُ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ}

Aayadan ayaa lagusoo dejiyay nabi Maxamed NNKH xilli ay soo foodsaartay khatartii gaalada Quraysh, markii uu u hijroonayay Madiina.

Nabiga ayaa NNKH ku celcelinayay isagoo leh (Ilaahayoow igu badbaadi sidaad doonto iyo waxaad doonto, adiga ayaa awood u leh waxad doonto).

Suraaqa Binu Maalik ayaa ahaaa mid nabiga iyo Abuubakar daba socday illaa markii ay ka so baxeen godkii QAARU-SAWR,

Inkasta oo uu Suraaqa ahaa nin geesiya oo fardo fuula, hadana waxa uu dhawr jeer ka soo Dhacay faraskiisii, isagoo markii danbe nabiga weydiistay ammaan iyo nabadgalyo.

Ugu danbayn, waxa aynu isku boorinaynaa in aynu fahanno sababta uu EEBBE SW inoogu sheegayo ducooyinkan iyo sirta ka danbaysa

Ducooyinkan ayaa ah dhammaantood qaar uu Eebbe SW ku ilhaamiyay nabiyadiisii uu soo diray, kuwaasoo ku baryi jiray marka ay la soo gudboonaato xaalad adagi.

Waxa aynu Ilaahay SW waydiisanaynaa in uu inaga yeelo kuwa jecel baryadiisa, isla markaana aynu ka magan galaynaa kuwa ka caajisa baryadiisa.

One Response

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *