Waxa aynu maqaalkan kaga hadli doonnaa sidii aynu u joogtayn lahayn camalka wanaagsan ee aynu soo sameynaynay bisii barakaysnay ee ramadaan.
Waxa aynu soo dhamaysanay 29 cisho oo cibaado iyo naxariis ah, acmaal badan oo wanaagsan ayaynu soo samaynay Allah ha inaga aqbalee, hadaba si aynu acmaashan wanaagsan u joogtayno waa in aynu is weydiinnaa is bedelka dhacay wuxuu yahay ama shayga baxay ee inna dhaafay waxa uu yahay.
Waxa baxday bishii ramadaan, lakiin waxa sidoodii u jooga dhammaan acmaashii aynu qaban jirnay bishii barakaysnayd ee ramadaan marka laga reebo soonkii faralka ahaa, qiyaam laylkii, qur,aan akhriskii, iyo dhammaan acmaashii kale ee wanaagsanaa sidoodii ayaa ay u joogayaan.
Soonka faralka ahi markuu meesha ka baxona waxaa beddelaya soonkii sunnaha ahaa oo meeshiisii gelaya, waxaana ugu horreeya 6 da cisho ee bisha shuwwaal laga soomo.
Hadaba, muxuu yahay farqiga u dhexeeya bisha ramadaan iyo bilaha kale maadaama acmaashii aanay is badalayn, bisha ramadaan sida aynu ogsoonnahay waxaa la xidhaa shaydaanka kiisa waaweyn markaana waxa inoo fududaada acmaasha wanaagsan, marka ay baxdo bisha ramadaan waxa la soo sii daayaa shaydaanka kuwii xidhxidhnaa isla markaana waxa uu bilaabaa shaqadiisii ahayd in uu dadka ka cajsi geliyo camalka suubban.
Hadaba, waxaa la inooga baahanyahay in aynu ku dedaalno sidii aynu u joogtayn lahayn camalka suuban nafteenana ugu khasbi lahayn joogtaynta camalkaa.
Sidoo kale waxaa la inooga baahanyahay in aynu la socono dagaalka uu shaydaanku innagu soo qaadayo isla markaana aynu u diyaarinno nafaheenna sidii aynu iskaga difaaci lahayn.
Maxaa inaga caawinaya in aynu joogtayno camalka wanaagsan.
- Waxa ugu horreeya ee innaga caawinaya in aynu joogtayno camalka suubban ayaa ah in aynu maskaxda ku hayno waxa laga helayo joogtaynta camalka wanaagsan oo ah jacaylka Rabbigeen ﷻ, nabi Maxamed ﷺ ayaa inoo sheegay isagoo leh (احب الاعمال الى الله ادومها وإن قلّ) acmaasha waxa uu Eebbe ugu jecelyahay waa camalka la joogteeyo haba yaraadee.
- Arrinka labaad ee laga helayo joogtaynta camalka suubban ayaa ah jannada, nabiga ﷺ ayaa ku idhi Bilaal “waxa aan hortayda janada dhexdeeda ka maqlay sanqadha jaantaada ee maxaad sameysaa?” Bilaal ayaa ugu jawaabay nabiga “waxa aan tukadaa laba rakcadood mar walba oo aan dahaaro qaato”, labadaa rakcadood ee uu joogteeyay ayaa u horseeday in uu jannada dhex lugeeyo.
- Camalka wanaagsan oo la joogteeyo waxa uu sabab u noqdaa in uu qofku helo khaatumo wanaagsan, Ilaahay ﷻ ayaa sugaya qofka joogteeya acmaasha wanaagsan adduun iyo aakhiroba, geeridu marka ay u timaaado waxa ay u imanaysaa isaga oo Ilaahay u hoggaansan.
- Camalaka wanaagsan oo aynu joogtayno waxa ay inaga caawinaysaa in marka xaalad adagi inna soo waajahdo uu Eebbe inagaga faydo.
Ugu danbayn, waxa aynu isku boorinaynaa in aynu adduunayada ka sameysanno camal wanaagsan oo aynu joogtayno si uu Eebbe inoo jeclaado naxariistiisana aynu u helno, uuna inoogu noqdo albaabka aynu ka baxayno waqtiyada adag ee nolosha inala soo gudboonaada.
Sababtoo ah dhaxalka ugu weyn ee aynu adduunyada kala tagayno ayaa ah camal wanaagsan oo aynu joogtayn jirnay. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu innagu kaalmeeyo sidii aynu acmaasha wanaagsan u joogtayn lahayn.