Maqaalkan ayaa noqon doona mid aad iyo aad u muhiima kaasoo aynu kaga hadli doonno maalinta aadka u qiimaha badan ee carrafo, maalin ay soo baxdo cadceedi maalinta ugu fadliga badan.
Nolosheenna waxaa inna soo mara maalmo kala duwan, kuwaasoo ku kala duwan xilliyada ay ku kala jiraan, hadaba waxaa inna soo food saartay maalin aad u weyn oo ay tahay in aynu uga faa,iidaysanno sida ay tahay.
Maalinta carrafo waa maalinta ugu fadliga badan maalmaha uu Alle ﷻ abuuray, isla markaana laynoo sheegay waqtiga ay tahay, maalintan ayaa ah maalinta ugu weyn ee uu Alle ﷻ ka xoreynayo addoomihiisa naarta, sidoo kale waa maalinta ugu weyn ee uu Alle ﷻ u danbi dhaafayo addoomihiisa.
Malintan ayaa ku gaar ah ducada, qofkii soo gaadhaana waa in uu ku dedaalo ducada oo uu baahiyaha haysta oo dhan u sheegto Rabbigiiﷻ.
Nabi Maxamed ﷺ ayaa inoo sheegay in qofka maalintan ka faa,idaysta ee soon, salaad, duco iyo istiqfaarba ku kooba in la dhaafayo danbigii uu galay sannadkii tagay iyo ka soo socda.( احتسب على الله ان يكفر السنة التي قبله والسنة التي بعده )
Shayga ugu muhiimsan ee maalintan aynu qabanaynaa innaga oo sooman waa in uu noqdaa ducada iyo baryada Ilaahay ﷻ, oo aynu u sheeganna dhammaan baahiyaheenna, sidoo kalena aynu waydiisanaa danbi dhaaf iyo towbad.
Waxaa kale oo uu nabi Maxamed ﷺ inoo sheegay dirkiga ugu fadliga badan ee maalintan la odhanayo isaga oo leh (خير الدعاء دعاء يوم عرفه، وخير ما قلت انا والنّبيّون من قبلي: لا له الّا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير)
Ducooyinka ugu fadliga badan maalinta carrafo.
اللهمّ إنّي اسألك مِن الخير كلهِ،عاجله وآجله ما علِمْتُ وما لَمْ أعلم، وأعوذُ بِك من الشّر كلّه عاجله، وآجله ما علِمتُ وما لم اعلم، اللهمّ إنّي أسألك مِن الخير ما سألك عبدك ونبِيّكَ واعوذُ بك مِن الشّرِّ ما عاذ به عبدك، ونبيك واسألك الجنة وما قرّب إليها من قول وعمل، وأعوذ بِك مِن النّار وما قرّب إليها مِن قول وعمل، وأسألُك أن تجعل كُل قضاء قَضيتهُ لي خَيراً
اللهمّ أنت ربّي لا إله إلّا أنت، خلقتني وأنا عبدُك، وأنا على عهدِك ووعْدِكَ ما اسْتطعْتُ،أعُوذ بك مِن شَرِّ ما صَنعت، أبوءُ لك بنعمتك عليَّ وأبءُ بذنبي فاغفرْ لي فإنه لا يغفر الذنوب إلّا أنت
لا إلَه إلا الله الْحَلِيم الْكَرِيْمُ, سُبْحَانَ الله رَبِّ الْعَرْشِ الْعَظِيْم, الْحَمْدُ لِلهِ رَبِّ الْعَالَمِين, اللهم إني أسْالُك مُوجِباتِ رَحْمَتِكَ وَعَزَاءمَ مَغْفِرَتِكَ والْغَنِيْمَةَ مِنْ كُلِّ بِرِّ وَالسَلامَةَ مِنْ كُلِّ إثْمٍ لا تَدَعْ لِي ذَنْبًا إلا غَفَرْته وَلا هَمًا إلا فَرَجْتَهُ وَلا حَاجة ً هِيَ لَكَ رضًا إلا قَضَيْتَها يَا ارْحَمَ الرَّاحِمِيْنَ
اللَّهُمَّ إِنِّي أسْألُكَ الْيُسْرَ بَغْدَ الْعُسْر,ِ وَالْفَرَجَ بَعْدَ الْكُرْبِ, وَالرَّخاء بعْدَ الشِّدَةِ. اللَّهمَّ مَا بِنَا مِنْ نِعْمَةٍ فَمِنْكَ, لا إله إلّا أنتَ, أسْتَغْفِرُكَ وَأتُوبُ إلَيْكَ
Ugu danbayn, waa in uu qof waliba sii dejisto qorshe cibaadeedkiisa uu ku hawl galayo maalintan oo uu waqtigiisa qorsheeyaa si aanay hawlo kale uga mashquulin, waxaa inoo ballana in aynu ka wada faa,iidaysanno naxariistaa uu Eebbe ﷻ inagu galladay oo aynu soonka iyo ducada aynu aad ugu dedaalno.
Ilaahay waxa aan ka rejayanayaa in uu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aynu la imanayno maalintan.