Qof walba oo innaga mida waxaa uu jecel yahay in uu gaadho guusha nolosha uu rabo, lakiin waxaa is weydiin leh ma haysaa wadadii saxda ahayd ee aad ku gaadhi lahayd?
Maqaalkan waxaa aynu kaga warrami doonnaa arrimo kuu sahlaya in aad gaadho isbedel wanaagsan inta aad ku gudo jirto geeddiga nolosha.
Nolosha bani-aadamka ayaa kaliya ah maalmo isu tagay, maalinwalba oo ku dhaaftana waxay ka go,antahay cimrigaaga, haddaba si aynu u guulaysanno nolosheenna idilkeed waa in aynu guul ka gaadhnaa maalinta ina soo maraysa amma jadwalkeenna maalinlaha ah.
Waxaa ay ku daaleen qolooyinka ku takhasusay in ay dhiiri geliyaan bulshada in ay sheegaan habka ugu fudud ee lagu gaadhi karo guusha uu qofku rabo in uu gaadho noloshiisa.
Waa kuma qofka aynu leenahay waxaa uu gaadhay guusha nolosha.
Guusha ugu weyn ee uu qofku gaadho waa ta aakhiro, haddii uu qofku guulaysto maalinta aakhiro waxaa uu qofkaasi noqonayaa mid kusoo guulaystay noloshii adduunyada.
Inta adduunyada la joogona qofkii sameeya wax uu Alle raali ka yahay, keddib markii uu la imid waajibaadkii saarnaa, qofkaasi wuxuu helayaa farxadda iyo guusha nolosha oo Ilaahay ayaa u fudaydinaya dhammaan shaqooyinkiisa.
Ilaahay ﷻ ma dayaco qofka uu raalida ka yahay sidoo kale waxa uu wanaajiyaa qofkaa noloshiisa, wax walba oo uu niyyada ku qabto oo khayrana amma uu rabo in uu sameeyo Ilaahay ayaa ku kaalmeeya.
Qofka muslimka ahna waxaa laga rabaa in uu sameeyo wanaag dheeraada marka laga imaado waajibaadka uu Alle saaray, si uu u kordhiyo xidhiidhka wanaagsan ee kala dhexeeya isaga iyo Allah.
Jadwalkan raac si aad u gaadho guusha nolosha.
Salaatu layl: habeenkii marka loo qaybiyo saddex meelood meel ahaan soo kac keddibna tuko salaad witri ah, haddii aanad soo kici karinna marka aad sii seexanayso amma aad tukato salaadda cishaayi iska sii tuko, keddibna Ilaahay waydiiso baahiyahaaga oo dhan.
Subixii marka aad soo toosto inta aanad ka kicin furaashkaaga akhri ducadan الحمد لله الذي احيانا بعد ما اماتنا واليه النّشور waa duco mahad naqa oo aad Ilaahay ﷻ ugu mahadnaqayso in uu kugu soo celiyay nolosha keddib dhimashadii yarayd.
Keddib, waxaa aad u kacaysaa in aad tukato salaadda subax, intaa keddib waxa aad akhriyaysaa adkaaru sabaax oo aad raacinayso labadan duco اللهم اني اسالك خير ما في هذه اليوم واعوذ بك من شر ما في هذه اليوم واعوذ بك من الكسل وسوء الكبر لا اله الّا انت استغفرك واتوب اليك، بِسْمِ اللهِ الَّذِي لَا يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْ ءٌ فِي الْارْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَهُوَ الَّسَّمِيْعُ الْعَلِيم
waxaa kale oo aad u muhiima in aanay ku dhaafin maalintaa salaad ka mida shanta salaadood oo aad waqtigooda ku tukato iyo jamacaba.
Waxaa kale oo aad u muhiima in aad sameyso haddii aad rabto in aad gaadho guusha nolosha waa in aad tukato xilliga barqadii laba rakcadood oo salaatu duxa ah.
Sidoo kale, waa in aad afka ku haysaa dikriga, xuska Eebbe ﷻ iyo salliga nabiga kuwaas oo kaa caawinaya in aad si fudud u gaadho shayga aad rabto.
Qodobka u danbeeya maqaalkeenan ayaa ah in aanay kusoo marin maalin aanad kala furin kitaabka Ilaahay ﷻ, isku day si kastoo aad u mashquulsantahay in aad waxuun ka akhrido.
Ugu danbayn, haddii aad nolol maalmeed ka dhigato jadwalkan oo aad joogtayso waxaa hubaal ah in ay noloshaadu fududaan doonto, muraadkaagana uu Alle kuu sakhiri doono, guusha iyo farxadda aad nolosha ka raadinayso aad gaadhi doonto.