Maqaalkan waxa aynu kaga hadli doonnaa nabi Maxamed NNKH noloshiisu sidii ay isku badashay keddib markii lagu soo dejiyay waxyiga ee la faray in uu dacwadda gaadhsiiyo dadka, innaga oo kusoo bandhignay maqaalkan kii ka horreeyay sidii ay ahayd nolosha nabi Maxamed NNKH ka hor waxyiga.
Waxaa aynu si taxane ah usii wadi doonnaa noloshiisii innaga oo eegayna waxa is beddel ku yimid.
Markii uu gaadhay nabi Maxamed da,da 40 ka, Ilaahay ayaa soo saaray sii u noqdo mid u diga dadka, uguna yeedha wadada saxda ah.
Nabiga ayaa isaga oo maalin ku cibaadaysanaya godkii la odhan jiray Qaaru-Al-Xiraa ayaa waxaa u imid malaku Jibriil waxaana ay is weydaarsadeen kalmadahan waxyiga ah:
Malaku jibriil: اقْرَاْ
Nabi Maxamed: مَا اَنَ بِقَارِى
Malaku jibriil: اقْرَاْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِى خَلَقَ
Malaku jibriil ayaa nabi Maxamed u keenay waxyi uga imid xagga Rabbigii SW, waxa uuna ku yidhi akhri, nabi Maxamed ayaa ugu jawaabay ma ihi mid wax akhriya, malaku jibriil ayaa ku yidhi akhri magaca Rabbigaa ku abuuray SW, sidaas ayaa uu Malaku jibriil ku bari jiray nabi Maxamed sidii uu usoo hanuunin lahaa ummaadda, uuna u tusi lahaa waddada saxda ah.
Xaaladda quraysh ee Islaamka ka hor ayaa ahayd mid aad u liidata, waxa ay ahaayeen dad mushrikiin ah oo asnaamta caabuda, waxa ay dili jireen ubadkooda iyaga oo ka cabsanaya gaajo iyo faqri.
Markii dacwadda si hoose loo faafinayay
Nabi Maxamed ayaa markii lagu soo dejiyay aayaadkan { يَا أَيُّهَا الْمُدَّثِّرْ، قُمْ فَأنذِرْ، وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ، وَثِيَا بَكَ فَطَهِّرْ، وَالرُّجْزَ فَاهْجُرْ،} waxaa uu bilaabay in uu si hoose dacwadda u faafiyo, kaliya waxaa uu usoo bandhigayay dadka u dhow, ehelkiisa iyo inta ay asxaabta yihiin, isaga oo ka baqanaya in ay filan waa ku noqoto dadka sababtoo ah maaha shay ay hore u maqleen.
Qofkii ugu horreeyay ee rumeeyay Nabi Maxamed NNKH dhinaca dumarka gabadhiisii Khadiija Bintu Khuwayla, waxaa ay si xooggan u aaminsanayd runta uu ka sheegayo waxyiga loo soo dhiibay, markii ay aragtay calaamado badan oo tusinaya nabinimadiisa.
Qofkii ugu horreeyay ee rumeeyay nabiga dhinaca ragga ayaa ahaa Abu-Bakr, kaas oo ahaa saaxiibka dhow ee nabi Maxamed.
Qofkii ugu horreeyay ee rumeeyay nabiga dhinaca caruurta ayaa isna ahaa Cali-Binu-Abidaalib kaas oo kusoo barbaaray gacanta nabiga NNKH.
Nabi Maxamed NNKH ayaa iskugu yeedhay ehelkiisa kuwii ugu dhowaa keddib markii lagu soo dejiyay aayaddan {وَانذِرْ عَشِرَتَكَ الْأقْرَبِيْن} si uu ugu soo bandhigo xaqqa, ugana digo baadilka ay ku sugan yihiin iyo cadaabka daran ee maalinta aakhiro.
Markii uu usoo bandhigay farriintii uu Allah ugu soo dhiibay, waxaa ka soo yeedhay badankoodii hadal wanaagsan waanay soo dhoweeyeen, marka laga reebo adeerkii Abi-Lahab kaas oo ahaa cadowga ugu weyn ee nabi Maxamed, cadaawadaas oo ah mid ka dhalatay xaq nacayb ee aana ahayn mid uu shaqsi ahaan u necbaa nabiga.
Dacwadda ayaa si hoose u faafaysay muddo dhan saddex sanno, muddadaas waxaa soo ajiibaydad badan oo kamida cuqaashii iyo wax garadkii quraysh.
Markii dacwadda kor loo qaaday.
Markii ay muddo si hoose u faafaysay dacwaddu, waxaa la faray nabi Maxamed NNKH in uu dacwadda kor u qaado sida uu sheegayo kalaamka Eebbe SW {فَاصْدَعْ بِمَا تُؤْمَرْ وَاعْرِضْ عَنِ الْمُشْرِكِيْنَ}.
Amarkaa keddib nabi Maxamed NNKH ayaa koray buurta Safa waxa uuna iskugu yeedhay qoomkiisii markii ay isku imaadeen waxaa uu ku yidhi “ ma rumaysanaysaan waxa aan idiin sheegayo?” waxa ay idhaahdeen “haa, kaagamaanaan baran wax beena sidaad u dhalatay illaa maanta”, nabi Maxamed ayaa ku yidhi dabadeed “ka badbaadiya nafihiina naar, anigu waxaa aan ahay mid idiinka digaya cadaab”.
Maalintaa wixii ka danbeeyay waxaa si hoose iyo si sareba loogu yeedhayay in ay diinta soo galaan dhammaan bulshada, asxaabtii nabiga raacday ee arrinkaa faafinta diinta ka caawinaysay qaar badan ayaa naftoodii u waayay, qaar kalena waa loo dhibaateeyay.
Jazakala kheyr wll sidad kheyr ka noogu soo gudbiso