Waxa aynu si kooban ugaga hadli doonnaa maqaalkan arrimo kaa caawinaya in aad ogaato masaafada aad u jirto Allah ﷻ.

Addoomaha Ilaahay ﷻ waxa ay u kala derejo sarreeyaan sida ay Ilaahay ugu kala dhowyihiin iyo inta ay leegtahay ku xidhnaanshaha quluubtoodu ay Ilaahay ﷻ ku xidhantahay.

Derejo uu addoon gaadho iyo sifo uu yeesho waxa ugu qiimo badan in uu qalbigiisu yahay mid Ilaahay aad ugu xidhan waqtiyadiisa iyo xaaladihiisa oo dhan.

Arrintaasi ayaana ah ta qudha ee lagu gaadho nolosha wanaagsan, raaxada adduunyada iyo ta aakhiro, farxadda joogtada ah, daawona uga ah addoonka werwerka iyo welbehaarka addunyada ku hela.

Waxaana jira arrimo qofka muslimka ahi naftiisa ku miisaami karo xaaladdiisana uga dhigi karo imtixaan iyo tijaabo, kuwaas oo calaamad u ah inta uu qalbigaagu ku xidhanyahay Ilaahay.

Sida uu sheegay Imaam Ibnu Al Qayyim afar xaaladood ayaa caddeeya inta uu addoonku ku xidhanyahay Rabbigii, afartan xaaladood ayaana ah qaar aynu nafaheenna ku qiyaasi karno, afartan xaaladood ayaa kala ah.

Marka uu gogoshiisa imaado waxa u danbeeya ee uu hadal hayo: waxa aynu wada ogsoonnahay waxa uu qofku xuso amma hadal hayo xaaladdaa uu sii seexaxanayaa in uu yahay shay qalbigiisa ku weyn oo uu jecelyahay.

Haddaba, haddii uu addonku yahay mid xusaya Ilaahay isla markaana xisaabinaya naftiisa oo gefkii ka dhacay ka toobad keenaya waa calaamad inna tusinaysa in addoonkaa qalbigiisu ku xidhanyahay Ilaahay ﷻ.

Sababtaa awgeed ayaa uu nabigeennu ﷺ inoo faray in marka u danbaysa ee aynu isu diyaarinno dhimashada yar uu noqdo hadalkeenna u danbeeyaa xuska Ilaahay (بِإسْمِكَ اللَّهُمَّ أَمُوتُ وَأَحْيَا) “Ilaahayoow magacaaga ayaanu ku dhimanaynaa kuna soo toosaynaa”.

Adkaar kale ayaa uu nabigu ﷺ inoo sheegay sida in la akhriyo Aayatul-Kursi iyo Macawadateynka (labada Qul-Acuudu iyo Ikhlaas).

Waxaa nasiib darro ah adiga oo ogsoon in aad galayso geeridii yarayd, oo aan ogsoonayan in aad ka soo laaban doonto in aad seexato adigoon sii xusin Ilaahay ﷻ.

Xaaladda labaad ayaa ah marka uu addoonku hurdada ka soo kaco ma xasuustaa Ilaahay ﷻ, oo ma ugu mahad naqaa in uu Eebbe siiyay fursad labaad oo uu ku caabudo, kuna toobbad keeno.

Hurdadu waxa ay xidhiidhka u jartaa shay walba oo uu qofku ku xidhnaa, hadaba, marka uu qofku soo tooso shayga ugu horreeya ee uu xasuustaa waa shayga uu ugu jecelyahay kuna weyn xagiisa, markaa addoonka xilliga uu soo tooso Ilaahay xusa waa addoon ay ku weyntahay muxubadda Ilaahay ﷻ iyo jacaylkiisuba.

Xaaladda saddexaad ee uu addoonku ku miisaamayo inta uu iimaankiisu yahay iyo inta uu u jiro Ilaahay ﷻ ayaa ah marka uu salaadda ku jiro.

Salaadda ayaa ah miisaan iyo halbeeg lagu cabbiro ku xidhnaanshaha addoonka qalbigiisu ku xidhanyahay Allahﷻ.

Marka aad salaadda ku jirtid waxa aad si toosa u hor taagantahay Rabbigaa, hadaba, xaaladdan qalbigaagu sida uu yahay ayaa aad ka qiyaas qaadan kartaa si aad u ogaato intee in leeg ayaa aad ku xidhantahay Rabbigaa. Xaaladda afaraad ayaa ah marka ay qofka la soo gudboonaato xaalad adagi sida uu uga falceliyo, haddii uu noqdo mid Ilaahay ﷻ talo saarta waydiistana in uu awooddiisa kaga dul qaado, aaminana in ay xaaladdaa adagi tahay imtixaan lagu imtixaamayo, isla markaana ku samra, qofkaasi ayaa ah ka qalbigiisu ku xidhanyahay Eebbe ﷻ.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *