Maqaalkan ayaa aynu kaga hadli doonnaa fadliga ku sugan maalinta qiimaha iyo qaayaha badan ee caashuuraa.
Waxaa kale oo aynu sheegi doonnaa waxyaabaha ay ka sheegeen maalintan dadkii wanaagsanaa ee ay la gaarka tahay.
Taariikhda ay leedahay maalinta caashuuraa
Maalintan ayaa ah maalinkii uu Ilaahay ﷻ ka badbaadiyay nabi muuse daalimkii fircoon, ee la halaagay isaga iyo kuwii raacsanaaba.
Maalintan ayaa ah maalin ay wada tartameen xaqqa iyo baadilku, keddibna uu guulaystay xaqqii, kaasoo baadilku haystay dhammaan shay kasta oo guuli ku raaci karaysay hadana calfan waayay.
Halkaas waxaa innooga cad in aanay guushu ku xidhnayn awood intee leeg ayaad haysataa, ee ay ku xidhantahay qofka uu Ilaahay ﷻ garabkiisa yahay.
Fircoon ayaa ahaa mid kibray oo Ilaahay sarreeye ka gaaloobay aaminayna in uu isagu yahay Rabbiga caalamka, kaas oo ree bani israa,iil dhibaato badan u geystay oo gumaysan jiray, waxaa uu gaadhsiiyay heer uu laayo ubadkooda soo dhasha kuwa ragga ah, daayona dumarka.
Dulmiga iyo xadgudubkii uu ku waday bulshadaa masaakiinta ah muu ahayn mid lagu daynayo ee wuxuu ahaa mid ay sugayso xiqaabtiisu, illaa uu helay markii danbe wixii uu geystay.
Waxaa intaa dheer isaga oo diiday in uu raaco nabigii loo soo diray si uu u rumeeyo xaqqa ugana soo leexdo baadilka uu ku suganyahay.
Nabi muuse CS ayaa faray intii raacday in ay iskaga baxaan magaalada oo ay ka hoos baxaan dulmiga fircoon, keddib markii uu maqlay in ay baxeen reer banii israa,iil waxaa uu go,aansaday in uu ka daba tago.
Waxaa la yidhi nin malag wataa majoogee isaga oo ordaya ayaa uu usoo kacay xaggii ay ka xigeen, reer banii israa,iil iyaga oo jidkii ay hayeen ay ka soo xidhay baddu ayaa waxaa ay arkeen fircoon oo kusoo socda.
Keddib markii ay u maleeyeen in ay maanta halaagsamayaan ayaa uu Alle faray nabi muuse CS in uu ushiisa ku dhufto badda, keddib ayaa uu sameeyay sidii la faray baddii ayaa sameysay waddooyin la mari karo.
Sidii waxaa kaga tallaabay nabi muuse iyo intii la socotay, isla markii uu fircoon kusoo wada xarooday badda waxaa la faray badda in ay sideedii kusoo noqoto, fircoon iyo ciidankiisiina halkaas ayay ku halaagsameen.
Sidee ayaa loo sharciyeeyay soonka maalinta caashuuraa.
Ka hor intii aan la waajibin soonka bisha ramadaan, maalintan soonkeedu waxa uu ahaa waajib, lakiin markii waajib ay noqotay bisha ramadaan in la soomaa waxaa is badalay soonkii caashuuraa oo noqday mid sunne ah.
Nabi Maxamed NNKH ayaa markii uu imid magaalada madiina waxaa uu arkay yuhuudii oo soomaysa maalintan keddib ayaa uu waydiiyay sababta ay u soomanyihiin, “waxa ay ugu jawaabeen in ay tahay maalintii nabi muuse iyo intii raacday uu Alle ka badbaadiyay fircoon.”
Keddib waxaa soomay nabi Muuse CS sidaa awgeed ayaanu u soomannahay, nabi Maxamed NNKH ayaa ugu jawaabay “annagaa idiinka mudan oo idiinka xigna nabi muuse CS keddib ayaa uu soomay”.
Ajar intee leeg ayaa ku sugan soonka maalinta caashuuraa.
Maalintan ayaa ah maalinta tobnaad ee bisha muxarram sannadka koowaad ee islaamka bisha ugu horreysa.
Marka laga imaado bisha ramadaan, soon la soomo waxaa ugu fadli badan bisha muxarram, gaar ahaan maalintan qiimaha badan ee caashuuraa.
Nabi Maxamed ayaa idhi mar uu ka hadlayay fadliga ku sugan maalinta caashuuraa “ waxaa aan Ilaahay ka rejaynayaa in uu igaga dhaafo soonka maalintan danbiga sanadkii tagay”.
Waa fadli aad u weyn oo ay leedahay maalintani, sidaa awgeed waa in aynu ka faa,idaysannaa oo aynaan dayicin fursaddaa.
Ugu danbayn, waxa aynu Ilaahay ka baryaynaa in uu innaga dhigo kuwii ka faa,iidaysta maalintan qiimaha badan, oo uu innaga yeelo kuwa helaya danbi dhaafkaa sannadkaa ah.