Nabi Maxamed ayaa intii aanu soo gaadhin magaalada madiina waxa uu kusoo hakaday duleedka magaalada meel loo yaqaan Quba.
Nabiga ayaa ku degay meesha loo yaqaan Quba halkaas oo uu ku sugnaa mudoo dhan laba iyo labaatan habeen (22 habeen), waxa uu si amaana oo nabadgelyo ah ula joogay intaasna Asxaabtiisii oo leh muhaajiriin iyo ansaarba.
Muddadii uu halkaas ku sugnaa waxa uu bilaabay nabigu in uu dhiso masaajid loo bixiyay magaciisa masjidu Quba, waana kii uu Allah SW ku tilmaamay in uu yahay (masaajidka aas aaskiisu yahay Alle ka cabsiga) aayadda 108 ee suuratu Tawba.
Masaajidkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee taariikhda islaamka la dhiso, sidoo kale waxa la sheegaa in uuyahay masaajidkii u horreeyay ee lagu qabto qudbad jimce link
Nabi Maxamed ayaa markii uu sidaa usoo gaadhay magaalada madiina waxa si diiran ugu soo dhoweeyay asxaabtiisa muhaajiriin iyo Ansaartii madiina, iyaga oo kala hor imid caleemo qoyan.
Maalintaa uu soo galay nabi Maxamed NNKH waxa ay ahayd maalin jimce ah waqtiga uu soo galayna waxa ay ku beegnayd salaadi jimce, keddib waxa ay wada tukadeen intii ay wada socdeen iyo intii ugu soo horreysay ee soo gaadhay nabiga, waxa uuna halkaa uga qudbeeyay jamacii ay halkaa ku wada tukadeen.
Qudbadaa uu nabi Maxamed jeediyay maalintaa ayaa noqotay tii ugu horreysay ee la jeediyo intii ay socotay dacwaddu, markii ay dhamaatay qudbadiina waxa ay usoo baxeen dhankaa iyo dadkii soo dhoweynayay iyaga oo u qaadaya ereyo soo dhoweyna.
Acmaashii ugu horreysay ee uu qabtay nabi Maxamed markii uu imid magaalada madiina.
- Nabi Maxamed NNKH ayaa markii ugu horeysay ee uu soo galay magaalada madiina waxaa uu damcay in uu dhiso masaajid, keddib waxa uu bilaabay in uu baadi doono meesha laga dhisayo masaajidkaa, waxaa uu sii daayay hashiisii waxa uuna sheegay in masaajidka laga dhiso meesha ay fadhiisato hashaasi, keddib nabiga ayaa ka dalbaday ninkii lahaa dhulka ay fadhiisatay hashu in uu ka iibiyo, lakiin waa uu diiday in uu ka iibiyo beddelkeedana waxaa uu u hibeeyay Ilaahay iyo rasuulkiisa, lakiin nabiga ayaa ka diiday arrinkaa waana uu siiyay xaqqoodii.
- Camalkii labaad ee uu nabigu sameeyay markii uu soo dhameeyay dhiskii masaajidka ayaa ahaa walaalaysiinta muhaajiriin iyo ansaar oo isku cusbaa markaa, waxaa uu wadaajiyay waxyaabo badan sida guryaha iyo dharkaba, waxaana ay ansaartu soo dhoweeyeen arrinkaa waana ay qaabileen walaaladod, waxaana ay muhaajiriintu ula wadaageen walaaladood wixii ka dhexeeyay si ku meel gaadha si ay u helaan meel ay nolosha ka bilaabaan.
- Nabi Maxamed NNKH ayaa qoray heshiis u dhexeeya muhaajiriin, ansaar iyo yuhuudii madiina deganayd, kaas oo ku saabsanaa wada deganaanshiyaha ka dhaxayn doona, heshiiskan ayaa dhacay ka hor dagaalkii beder.
- Waxaa intaas ku xigay oo uu nabigu faray asxaabtiisa in la dhiso suuq ay leeyihiin muslimiintu, waxa uuna faray in laga dhiso masaajidka nabiga agtiisa, sababta loo dhisayay suuqan ayaa ahaa in ay muslimiintu kor u qaadaan dhaqaalahooda oo ay helaan awood dhaqaale oo u dhigmaysa ama ka badan ta yuhuuda.
- Waxaa sii batay dhibaatadii ay gaaladu ku hayeen muslimiinta siiba yuhuudii la deganayd intii ay socotay fidinta diinta islaamku, wixii intaa ka danbeeyay Ilaahay SW ayaa u sharciyeeyay in diinta iyo dacwadaba la difaaco lala dagaalamo cid walba oo cadow ku ah diinta iyo dacwadda.
Ugu danbayn, waxaa ku xigtay in ay bilaabmaan dagaaladii tooska ahaa ee dhex marayay quraysh iyo nabi Maxamed NNKH kuwaas oo aynu kusoo qaadan doonno maqaalada ku xiga kan haddi Alle idmo.
Intaa iyo in ka faahfaahsan waxaa aad ka akhrisan kartaa mareegtan.