Dagaalkii waynaa ee Beder ay asxaabtu la galeen gaaladii Makka ayaa ahaa mid kamida dagaaladii ugu waaweynaa ee ay galeen nabiga NNKH iyo asxaabtiisu, sidoo kale waxa uu ahaa dagaalkii ugu horreeyay ee ay galaan nabiga NNKH iyo asxaabtiisu.
Waxaa uu kamid ahaa dagaalada kor u qaaday sumcadda iyo sharafta ay mulimiintu ku dhex lahaayeen bulshadii joogtay markaa keddib guushii ay kala so hoyden dagaalkaas.
Muslimiinta ayaan maalintaa usoo diyaar garoobin dagaal, sababta oo ah waxa ay ugu soo talo galeen oo ay usoo baxeen in ay safar u socday Quraysh oo uu waday Abi-sufyaan ay dhexda u galaan, keddib safarkii ayaa ka badbaaday taas beddelkeedana waxaa soo waajahay ciidan aad uga tiro badan oo ay qurayshi lahayd.
Ciidanka uu watay nabi Maxamed NNKH ayaa tiro ahaan dhamaa 313 nin halka kuwa usoo baxay Quraysh ay ahaayeen 950 nin, kuwaas oo ka koobnaa qaybaha kala duwan ee ciidanka sida: kuwa lugta, kuwa fardaha iyo kuwa leebka tuura.
Bixitaankii ciidanka Quraysh ee illa iyo Beder.
Abii-sufyaan oo ahaa hogaamiyaha safarka ay muslimiintu rebeen in ay dhacaan ayaa ahaa mid aad khabiir ugu ah xaga dhulka, waxaa kale oo u ahaa mid maskax badan oo sii odorosi kara waxaa kusoo socda.
Markii uu dareemay in nabi Maxamed iyo ciidankiisu kusoo waajahanyihiin waxaa uu diray nin, si uu fariinta dhiilada leh u gaadhsiiyo Quraysh.
Ninkii ayaa isaga oo ordaya waxaa uu soo galay magaaladii Makka keddib ayaa uu kor u qayliyay isaga oo ka waramaya xaalada uu ku suganyahay safarkoodii.
Madaxdii Quraysh ayaa si degdega shir u qabtay kaas oo ay ku go,aamiyeen dagaal ka dhana muslimiinta, waxa aanay si degdega uso diyaariyeen ciidan xooggan, kuwaas oo si dhakhso ah uga so baxay magaalada Makka.
Intaa kaddib, Abi-Sufyaan ayaa safarkii uu waday ka badbaadiyay nabi Maxamed iyo asxaabtiisii keddib waxaa uu diray qof si uu u joojiyo ciidankaa soo baxay maadaama ay meesha ka baxday cabsidii safarka laga qabay, ninkii ayaa soo gaadhay ciidankii oo dhexda kuso jira warkiina gaadhsiiyay.
Hadaba, madaxdii Quraysh ayaa arrinka dib u noqoshada aad uga soo horjeestay waxaa aanay go,aan ku gaadheen in ay tirada yare ee uu wato nabi Maxamed NNKH cagta ay mariyaan.
Bilawgii dagaalka badar.
Nabi Maxamed NNKH ayaa istaagay isaga oo ku dhiiri gelinaya muslimiinta in ay dagaalka galaan waxaa uuna u sheegay in uu helayo qofkii ku dhinta dagaalkaa janno muggeedu leegyahay inta samooyinka iyo dhulalka u dhaxaysa.
Waxaa kale oo Ilaahay SW gargaar ugu soo diray adoomihiisaa awooda yar 1000 malag oo dagaalka la galay maadaama aad looga tiro iyo cududba badnaa.
Dagaalkan ayaa waxaa lagu dilay Quraysh kuwii ugu waaweynaa amma madaxdoodii, waxaa dagaalka ku jiray laba dhalinyara oo aad uga yar da,dii dagaalka lagu geli lahaa, keddib waxaa ay raadinayeen Abu-jahal si ay u dilaan.
Waxaa ay dhaar ku soo mareen in ay soo dili doonaan ninkaa la odhan jiray Abu-jahal, waa ay raadiyeen illa ay markii danbe ka heleen, waxa aanay la boobeen seefahoodii illaa ay ka dileen.
Nabiga NNKH ayaa ku farxay warkaa markii uu maqlay waxaa uuna ugu mahadnaqay Ilaahay SW in uu ka qabtay fircoonkii ummadan.
Gebogebadii dagaalka Beder.
Dagaalkan oo dhacay sannadii labaad ee hijrada, waxa uu kusoo dhamaaday guul weyn oo ay muslimiintu lasoo hoyden, taas oo ay gaalada ka dileen 70 nin, 70 kalena ay maxbuus ahaan u qabteen, guushan uu Ilaahay SW ku kaalmeeyay muslimiinta ayaa ahayd mid aad muhiim u ah marka la eegayo faafitaanka diinta Islaamka.