Waxaa aynu ku gudo jirnaa tobaknii maalmood ee fadliga badnaa, acmaasha la sameeyo maalmahan ayaa ka fadli badan kuwa la sameeyo maalmaha kale, waxaana kamida acmaashaa udxiyada.

Tobankan maalmood waxaa ku jira maalin aad u qiimo badan oo dadka badankoodu moogganyihiin, maalintaasoo ah maalinta ciidda, acmaasha maalintan la sameeyo ayaa aad iyo aad u fadli badan dadkuna ay kaga mashquulaan farxadda ciidda.

Acmaasha waaweyn ee maalintan la sameeyo ayaa waxaa ka mida udxiyada amma gawraca, taasoo ah mid ka mida acmaasha ugu waaweyn ee Ilaahay ﷻ loogu dhowaado.

Hadaba, waxaa aynu maqaalkan kusoo gudbin donnaa axkaamta iyo shruudaha loo baahanyahay marka la gudanayo udxiyada.

Maadaama, ay tahay udxiyadu camal weyn oo laga helayo ajar aad u weyn waxaa lagama-maarmaan ah in qofka raba in uu adxaysto uu si fiican iskaga eego wixii wax u dhimaya gudashada camalkaa weyn.

Marka laga eegayo xagga sharciga diinta islaamka, udxiyadu waa camal sunne ah welibana sunne la adkeeyay ah.

Lakiin, waaxa jira xaalado ay udxiyadu noqoto waajib, waxaa kamida xaaladahaas in uu qofku ku nadro in uu adxaysto welibana nadar cad, markaa waxaa waajib ku noqonaysa in uu adxaysto.

Waxaa kale oo jira nadar aan caddayn lakiinse leh xukunka nadarka, sida in uu qofku idhaahdo isaga oo tilmaamaya neefka uu rabo in uu ku adxaysto “waa neefkaan ku adxaysanayay”, nadar cad maaha hadlkaasi laakiin waxa  ka dhalanaya xukun nadar, waxaana waajib ku noqonaysa in uu neefkaa gawraco hilibkiisana ma cunayo.

 Sidaa daraadeed, waa in aynu iska ilaalinnaa ereyada noocaas ah oo beddelkeeda aynu isticmaalnaa ereyo kale oo ku habboon sida “maalinka ciidda ayaan gawracayaa” iyo ereyo kale oo aan nadar laga fahmayn.

shuruudda neefka udxiyada galaya.

Dhaqan noocee ah ayaa laga rabaa qofka udxiyada gudanaya.

Waxaa karaahiyo ah in qofka raba in uu udxiyaysto uu xiiro qaar kamida timihiisa amma jaro cidiyihiisa inta lagu gudo jiro tobanka hore ee dul-xijja.

Waqtiga ugu habboon ee udxiyada

Waqtiga ugu habboon ee la gudanayo cibaadadan ayaa ah maalinta ciidda salaada kabacdi, haddii dhulku uu yahay dhul islaama waxa laga qiyaas qaadanayaa marka uu imaamku ka baxo salaadda, haddii kale oo uu qofku joogo dhul kale waxa uu ka qiyaas qaadanayaa marka uu isagu tukado salaadda.

Waxaa kale oo iyaduna bannaan in uu qofku guto cibaadadaa saddexda maalmood ee ku xiga maalinta ciidda, haddii uu haleeli waayo maalinta koobaad, maalin iyo habeen kii uu doono ayaa uu qofku gudan karaa, lakiin maalinta koobaad amma tobnaad ayaa ugu fadli badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *