Maqaalkan waxa uu noqon doonaa kii labaad ee aynu kaga hadlayno taxanaha ducooyinka qur,aanka, waxa aynu kusoo qaadan doonaa laba duco oo kamida kuwa qur,aanka kusoo arooray.
Ducada labaad ee taxanaha:
{ رَبِّ إِنِّى لِمآ أَنزَلْتَ إَلَىَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِير }
Baaqan ama ducadan ayaa ka mid ah ducooyinkii Nabi muuse NNKH, kuwaasoo in badan lagu sheegay kitaabka Rabbigeen SW, taasina ay muujinayso muhiimadda ay leedahay in la daryeelo faham ahaan iyo aqoon ahaanba.
Ducadan ayaa uu Nabi muuse Ilaahay ku weydiisanayaa in uu yahay mid u baahan wixii khayr iyo wanaaga ee loo qoray taaso noqonaysa xoolo iyo wehel (taaso uu markaa aad ugu baahnaa).
Waxa ay sheegeen mufasiriintu in Muuse markii uu kusoo daalay safarkii, kana soo go,ay ehelkiisi, gaajo daranna ay la soo deristay taaso aanu haysan wax uu cuno, kedib waxa uu gartay meesha uu u noqonyo kana helayo caawin halkaasoo ah Rabbigeen SW, kaasoo daryeelay ilaaliyayna yaraantiisii ila imika.
Rabbigiis ayuu xusay markii uu barwaaqaysnaa, Ilaahayna wuxuu u gargaaray markii uu dhibaataysnaa, isagoo ku baryay wado wanaagsan.
Waxa uu Eebbe adoonkiisa ugu soo jawaabay si degdega, waxa uu helay wehel iyo ehel, waxa uu helay shaqo waqti dheer ah.
Waxa laga doonaya adoon walba in uu badiyo xuska iyo mahadnaqa Ilaahay SW marka uu barwaaqaysanyahay, si uu Eebe u garab istaago marka ay baahi la soo deristo.
Ducada saddexaad ee taxanaha:
{ رَبِّ أَنِّي مَسَّنِيَ الضُّرُّ وَأَنتَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ}
Ducadan macnaheedu waxa weeyi Ilaahayoow waxa I asiibay dhibaato kuwa naxariistana adigaa ugu naxariis badan.
Ducadan ayaa ahayd ducadii uu nabi Ayuub ku baryay Ilaahay kadib markii uu u adkaysan waayay xanuunki darnaa ee haleelay, muddo dheer oo labaatan sanno ahna uu xanuunka ku samray.
Hadaba maxay tahay sirta aqbalaadeed ee ku jirta baryada nabi Ayuub:
- Sirta ugu weyn ee ducadiisa loo aqbalay ayaa ahayd samirka uu ku samray dhibaatada, nabi Maxamed NNKHayaa laga soo werinaya inuu yidhi
waxa uu layaab ku sugnaaday arrinka qofka mu’minka ah, arrinkiisu dhamaantii waa khayr, taasina cid kale maaha ee waa mu’miniinta uun, haddii uu wanaag la soo gudboonaado wuu mahadnaqayaa khayr baana uga sugnaaday, haday dhibi la soo deristona wuu samrayaa khayr baana uga sugnaaday.
Nabi Ayuub ayaa ahaa mid aan ka quusan naxariista Eebe SW, markastana rajaynayay in uu Allah ka aqbali doono ducadiisa, xanuunka iyo dhibkana ka dul qaadi doono, taasina waxay keentay in uu Eebbe koreeye ka dul qaado xanuunkii 20 ka sanno hayay.
Qisadana waa tusaale la rabo in aynu ku dayano, waxaynu ognahay in nabi Ayuub u samray wax aanu qof bani aadami qaadi Karin, oo ay dadku u naceen, qof kastaana ka sii jeestay, marka laga reebo xaaskiisa wanaagsanayd ee daryeeli jirtay, iyo laba walaal oo u gaar ahaa.
Ugu danbayn waxa aynu ka baranaynaa ducadan uu nabi Ayuub Ilaahay ku baryay sirta aqbaladeed ee ku jirta, taaasoo ah in uu qofku marka ugu horeysa ku samro dhibaatada, kedib uu qofku Ilaahay waydiisto in uu ka dul qaado culayska.
Ogoowna xanuunka iyo dhibta ood ku samirtaa in ay tahay imtixaan adduunyo oo uu Ilaahay kuugu talo galay ood uga gudubtay sidii la rabay, taa beddelkeedana aad ka heayso ajar iyo xasanaad.
halkan ku ( dhufo )si aad u akhrido ducadii kobaad ee taxanaha.