Maqaalkan waxa aynu kaga hadli doonaa sirta ku duugan ducooyinka Qur, aanka kusoo arooray iyo waxyaabaha ay kaga duwanyihiin ducooyinka kale.

Waxa kale oo aynu kusoo qaadan doona duco kamida ducooyinkaa qur, aanka kusugan oo aynu sharixi doono idam Alle.

Ducooyinka ay bani,aadamku ku ducaysanayeen tan iyo markii uu Eebe SWT abuuray Aadam CS, aad bay u badanyihiin waanay kala duwanyihiin, laakiin ducooyinka qur,aanka kariimka ahi waxay ay leeyihiin tilmaamo gaar ah, sidaa darted waxa uu Eebe kor ahaaye inoogu kaydiyay qur,aanka kariimka ah illaa iyo maalinta saacadda qiyaame.

Ducooyinka qur, aanka ku sugnaaday kuwaas oo ay ku ducaysan jireen anbiyadu xilliyada adage ee soo mara ayaa ah qaar uu Eebe ku ilhaamiyay anbiyadiisa, waxana ay leeyihiin sir ku duugan oo aqbalaad baryada qofka ku ducyasta.

Sirta ay ku gaarka yihiin ducooyinka Qur,aanku:

Ducada kobaad.

{رَبِّ أَدْخِلْنِيْ مُدْخَلَ صِدْقٍ وَاخْرِجْنِيْ مُخْرَجَ صِدقٍ وَاجْعَلْ لِّى مِن لَّدُنكَ سُلْطَاناً نَّصِيراً}

Ducadan ayaa ah duco aad u muhiima, isla markaana qofka raba inuu guul ka gaadho qorshayaasha nolosha ay tahay in uu ku ducaysto.

Ducadan ayaa ah ducadii uu akhrinayay nabigu NNKH markii uu Makka ka soo hijrooday, kuna celcelinayay illa uu ka so galayay Madiina.

Sababta uu ugu celcelinayay nabigu NNKH ayaa ahayd in uu ducadiisa ku beego ama la helo saacadaha ducada la aqbalo ee samadu furantahay, waana arrin wanaagsan marka la bilaabayo mashruucyo nololeed oo waaweyn.

Waxa uu nabigu NNKH Ilaahay SW waydiisanayay in aanu qalbigiisu ku xidhmin magaaladii uu jeclaa ee laga saaray, sidoo kalena uu kala kulmo wanaag iyo soo dhowayn magaalada uu u socday.

Ducadan waxa aynu u qaybin doonaa saddex qaybood si aynu fahan ballaadhan uga qaadano.

Qaybta koobaad: {رَبِّ أَدْخِلْنِيْ مُدْخَلَ صِدْقٍ}

Qaybtan ayuu qofku ku dalbanayaa bilaw wanaagsan oo khayr qaba in uu Ilaahay waafajiyo.

Waana arrin aad loogu baahanyahay marka hawl la bilaabayo, odhaah hore ayaa u dhignayd sidan “Alif kaa xumaada Albaqruu ku dhibaa”.

Qaybta labaad: {وَاخْرِجْنِيْ مُخْرَجَ صِدقٍ}

Qaybtan ayuu qofku ku dalbanayaa inuu Ilaahay waafajiyo guusha iyo joogtaynta arrinkaa wanaagsan ee uu bilaabayo, kuna toosnaado arrinkaa illa dhamaadka.

Qaybta saddexaad: {وَاجْعَلْ لِّى مِن لَّدُنكَ سُلْطَاناً نَّصِيراً}

Qaybtan ayaa uu qofku si guud Ilaahay u waydiisanayaa kaalmo, awood iyo garab istaag, taasi oo aynaan ka maarmayn nolosheena Illa anynu guulaysano labada daaroodba (adduun iyo aakhiroba).

Ugu danbayn waxa aynu wada ogsoonnahay in aynaan marnaba ka maarmayn garab istaaga Eebe hawl kasta iyo arrin walba oo aynu bilaabayno.

Waxa inala gudboon in aynu ducadan adeegsano mar walba oo aynu bilaabayno arrin cusub oo wanaagsan.

Sidoo kale qofku wuxuu adeegsan karaa marka uu safrayo waddan cusubna tagayo si uu meeshaas ugala soo kulmo wax wanaagsan.

Waxa kale oo inala gudboon in aynu barno ubadkeena si ay ugu guulaystaan qorshayaasha noloshooda.

3 Responses

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *