Waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaybteena 7 aad ee barnaamijkan la magac baxay bandhigga ducooyinka qur,aanka kusoo arooray laba duco oo kamida ducooyinkaas.

Hadaba wax kula gudboon in aad marka hore fahanto ducada macnaheeda iyo meesha ay munaasibka ku tahay, inagoo intaasoo dhan ku sheegna maqaaladeena, kadibna aad qorato qaybtona isla markaana aad Ilaahay ku waydiisato baahiyahaaga.

Ducada 11 aad ee taxanaha ducooyinka qur,aanka

Waxa aynu kusoo qaadan doonnaa qaybtan laba duco oo ah ducooyinka lagu daweeyo rejo-xumada iyo niyad-jabka qofka lasoo gudboonaada.

Hore waxa aynu uga soo hadalnay hal duco oo kamida ducooyinka loo adeegsado iska caabinta rejo-xumada, isla markaana ah ducooyinka lagu dalbo maskax miyir qabta oo xooggan, gargaarka Eebbe.

Hadaba ducooyinka aynu sheegi doono ku celceli, ku celcelinta ayaa ka dhigi doonta qalbiga quustay mid adkaysi leh isla markaana rejo ay gasho idam Alle.

{رَبَّنَآ أَفْرِغْ عَلَيْنَا صَبْراً وَثَبِّتْ أَقْدَامَنَا وَانصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ}

Ducadan ayaa aynu Eebbe ku waydiisanaynaa in uu ina siiyo Samir iyo adkaysi isla markaana uu ina sugo ( inagu joojiyo arrinkaa ) illa aynu guul ka gaadhayno.

Hadaba samirka ayaa ah kan ugu habboon ee iska caabinta rejo-xumada iyo niyad-jabka, maadaama uu ina siinayo awood naf ahaaneed (وَثَبِّتْ أَقْدَامَنَا), waxa uuna kaa dhigayaa mid ku adag naftiisa marka ay waajahayso dhacdooyinka adag.

{رَبِّ أَنِّى مَغْلُوبٌ فَانتَصِرْ}

Ducadan ayaa ah ducadii uu nabi Nuux CS ku ducaysan jiray sanado badan, ilaa markii danbe ay ka timid jawaabta Rabbi, taasoo looga hiiliyay qoomkiisii dulmiga u geystay isla markaana ka gaaloobay farriintii uu siday.

Ducadan ayaa ah ducada uu u baahanyahay in uu akhriyo qofkasta oo la dulmiyay oo quustay kasoo laga awood batay.

Ducada 12 aad ee taxanaha ducooyinka qur,aanka

{فَإِن تَوَلَّوْاْ فَقُلْ حَسْبِىَ اللَّهُ لَآ إِلَاهَ إِلَّا هُوَ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَهُوَرَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ}

Aayaddan ducada ah ayaa ah aayadda ugu danbaysa suuratu tawba, waana aayad duco ah oo muujinaysa talo-saarashada Eebbe SW.

Ducadan ayaa haddii uu qofku akhriyo waxa uu Eebbe kaga filnaanayaa dhammaan shar kasta oo ku sugnaaday hawlkasta oo uu qabanayo.

Ducadan ayaa muhiim ah, waqti uu addonku ku talo saaranayo Allah SW, isagoo dhammaan arimihiisa u igmanaya Rabbigiis.

Macnaha ducadan ku sugan:

Ducadan {حَسْبِىَ اللَّهُ} ayaa macaheedu yahay Rabbiyoow adiga ayaa igu filan dhammaan arrimaha noloshayda adduunyo, ma lihi Rabbi aan adiga ahayn, arrin walbaana waxa uu ku jiraa gacantaada, koonkan oo dhan adiga ayaa maamula, waana sababta aan adiga kuu talo saaranayo, Rabbiyoow arrimahayga oo dhan ii xalli, adiga Ayaan ku aaminay, sababtoo ah adiga ayaa ah Rabbiga carshiga weyn iyo Rabbiga caalamiintoo dhan.

Fadliga ducadan ku sugan:

Fadliga ducadan {حَسْبِىَ اللَّهُ لَآ إِلَاهَ إِلَّا هُوَ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَهُوَرَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيم} ayaa uu nabi Maxamed NNKH inoogu sheegay xadiis isagoo leh:

{من قاله 7 مرات في الصباح و7 مرات في المساء كفاه الله امر ذلك اليوم}

Ruuxii yidhaahda 7 jeer aroortii, iyo 7 jeer galabtii Ilaahay ayaa ku filnaada maalintaas.

Hadaba, Rabbigeen isaga ayaa inaga wakiila, hadii aad ducadan akhridona waxa aad heshiis magan-galyo la gashay Rabbigaa.

Ugu dambayntii, waxa cad in aynu ka gaabinay talo-saarashada Rabbigeen, taasoo haddii aynu sida saxda ah u talo-saaran lahayn inoo arsaaqi laha sida uu shimbiraha u arsaaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *