Barnaamijka taxanaha ducooyinka qur,aanka oo muddoba inoo soo socday ayaa aynu maanta kusoo qaadan doonaa sidii dhaqanka inoo ahayd laba duco oo kamida ducooyinkaas.
Ducooyinkan aynu badanaa kusoo qaadanno barnaamijka taxanaha ducooyinka qur,aanka ayaynu u sharaxnaa si faahfaahsan oo qof waliba ku fahmi karo luuqadeena hooyo.
Ducada 13 aad ee taxanaha ducooyinka qur,aanka:
Ducadeenna 13 aad ee barnaamijkeena taxanaha ducooinka ayaa ah dhamaadka suuradda labaad ee qur,aanka suuratu Al-baqra sida uu yidhi Eebbe SW:
{ لَا يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْساً إِلَّا وُسْعَهَا لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَآ إِن نَّسِينَآ أَوْ أَخْطَأْنَا رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَآ إِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهُ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِنَا رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهِ وَاعْفُ عَنَّا واغْفِرْلَنَا وَارْحَمْنَآ أَنتَ مَوْلَانَا فَانصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكَافِرِينَ }
Ducadan ayaa ah ducada uu nabi Maxamed NNKH inoogu ballan qaaday in qofkii akhriya aanay shayaadiintu soo gelin gurigiisa sida ku cad axaadiista nabiga, sidoo kalena uu Eebbe SW kaga dul qaadayo culayska saran.
Sidaa darted waa in aynu maalin walba ku akhrinaa guryaheena ducadan qaaliga ah, si aanu shaydaanku usoo degin guryaheena.
Nabiga NNKH ayaa xadiis macnihiisu ahaa inoogu sheegay: “qofkii akhriya labada aayadood ee u dambeeya suuratu Al-baqra way ku filnaadaan”
Macnaha, waxa ay kaga filnaadaan dhammaan werwerka adduunyo, Ilaahayna wuu kaga masaxaa qofka akhrista, sidaa darted ayay sir weyni ugu sugantahay guud-ahaan suuraddan gaar-ahaan aayadaha u danbeeya.
Ducada 14 aad ee taxanaha ducooyinka qur,aanka:
{إِنَّ اللَّهَ وَمَلَآ ءِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَآ أَيُّهَا الَّذِيْنَ ءَامَنُواْ صَلُّواْ عَلَيْهِ وَسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا}
Aayaddan qur,aanka ah ayaa uu Rabbi SW inagu farayaa in aynu badinno salliga nabiga, hadaba salliga nabiga ayaa ah ducooyinka ugu qaalisan ee aynu haysanno.
Qofku in uu badiyo salliga nabiga ayaa waxa uu ka helayaa in uu Rabbi SW kaga dul qaado hammi iyo culays kasta oo uu dareemayo, isla markaana uu Eebbe u fulinayo muraadadiisa kuwa khayrku ku sugnaaday.
Ubayya binu kacab ayaa nabiga weydiiyay: nabi Alloow anigu salligaaga waan badiyaa, ee imisaan salligaaga ka dhigaa marka aan ducaysanayo, nabiga ayaa ugu jawaabay inta aad doonto, markaasuu ku celiyay, afar meelood meel ayaan ka dhigayaa,
nabiga ayaa ugu jawaabay, intaad doonto, haddii aad ka badisona khayr ayaa kuu sugnaaday, waxa uu ku celiyay kala badh ayaan ka dhigayaa, nabiga ayaa ugu jawaabay, intaad doonto, haddii aad ka badisona khayr ayaa kuu sugnaaday, waxa uu ku celiyay saddex melood laba meelood ayaan ka dhigayaa,
nabiga ayaa ugu jawaabay, intaad doonto haddii aad ka badisona khayr ayaa kuu sugnaaday, markaasuu saxaabigii ku celiyay nabiga, nabi Alloow ducadayda oo dhan salligaaga ayaan ka dhigayaa, nabiga ayaa ugu jawaabay, haddii aad sidaa samayso, hammigaaga waa lagaa kor qaadi, danbigaagana wa la dhaafi.
Hadaba, hadii aynu rabno in Eebbe SW inagaga filnaado arrin adduunyo iyo mid aakhiro labadaba, waa in aynu badinaa salliga nabiga.
Fadliga laga helo salliga nabiga:
- Waxa lagaaga dhaafayaa 10 danbi, waxa kaloo kor laguugu qaadayaa 10 derejo.
- Waxa lagaaga kor qaadayaa hammi kasta oo ku haysta, sida aynu kusoo aragnay xadiiska aynu kor ku xusnay.
Waxa aynaan halkan kusoo koobi Karin fadliga laga helo salliga nabiga kaasoo aad u badan, hadii Alle inoo ogolaado waxa aynu maqaal gaara kasoo diyaarin doonnaa salliga nabiga NNKH.