Maqaalkan kooban waxa aynu kaga hadli doonnaa arrimo ajarkoodu aanu marna joogsan, kuwaas oo qofka u soconya illaa marka uu geeriyoodo.

Sida aynu wada ogsoonahay camalka qofku waxa uu joogsadaa isla markaa uu geeriyoodo, haddii uu munaafacaad ka heli jiray iyo haddii kaleba, mana awoodo in uu naftiisa wax ka anfacaya uu sii sameeyo.

Hadaba waxaa jira acmaal qofka u soconaya illa marka uu ka god galo, kuwaas oo aanu isagu sameynayn lakiin uu hore usoo sameeyay, waxaa uuna sii munaafacaadsanayaa midhihii uu ku beertay adduunyada, Naxariista Ilaahay ﷻ oo badan awgeed ayaa aynu ku helnay fadliga intaa leeg, kaasoo innaga oo ku jirna qabriga helayna ajarka camal aynu ku sameynay adduunyada.

Nabi Maxamed ayaa xadiis inoogu sheegay in qofku marka uu dhinto uu go,ayo camalkiisii( إذا مات إبن آدم إنقضع عمله……) , hadaba waxa aynu halkaa ka qaadanaynaa in qofka dhintay wali ama wadaad kuu doono ha ahaadee aanu awoodin in uu naftiisa wax u qabto, bal ka warran qofka wax waydiisanaya mid aan isaguba naftiisa anfacayn.

Waxaa kale oo iyaduna u baahan in loo fiirsado salaatu jinaasada lagu tukado qofka muslimka ah, waa loo duceeyaa maydkaa oo waxa ilaahay loo waydiiyaa danbi dhaaf iyo in uu ka badbaadiyo cadaabul qabriga, bal waxa aad u fiirsataan qofka baryayaa marxuumka aynu innagu Ilaahay u baryayno.

Waxa aynu halkaa baraarujinaynaa in aad looga taxadiro in aynu barrino sheikh hebel beri hore dhintay inta aynu booqanno qabrigiisa, waxaa ku sugan danbi aad u weyn.

Todobada shay ee aanu ajarkoodu marna joogsan ayaa kala ah:

  1. Cilmi: qofka dadka cilmi bara, cilmiga la sheegayona maaha ka maadiga ah ee waa kii lagu soo dejiyay nabi Maxamed ﷺ oo ah qur,aanka kariimka ah iyo axaadiista nabiga ﷺ ka sugnaatay iyo culuumta kale ee qofka ka caawisa in uu si fiican u barto qur,aanka iyo axadiista. Haddii ardaydii uu baray ay cilmigii ku camal falayaan siina faafinayaan, haddii kutubtii uu qoray weli dadka sii dhex yaalaan, isaga oo dhintay oo qabriga jiifa ayuu ajarku u soconayaa.
  2. Qofka dadka biyo soo gaadhsiiya, webi ayuu biyo kazoo duway am ail dur dura ayuu ka soo jeexay gacan ama qasabad biyo ah ayuu gaadhsiiyay dad oomanaa, inta laga cabayee la intifaacsanayo ajarku waa uu u soconayaa.
  3. Qofka ceel biyo ah qoda kaasoo qof waliba uu ka cabo ama shay waloo beer qoyan uu cunihiisa ku qooyo, biyaha ayaa ah shay nolosha muhiim u ah sababtaasaa laba jeer loogusheegay xadiiskan.
  4. Qofka beera geed timira, timirtu waa saydika dhirta sidaa awgeed ayaa uu nabigu u sheegay iyada lakiin dhirta kale oo dhami waa lamid inta munaafacaadka lihi ama qofka beera geed la hadhsado, inta geedkaa la munaafacadsanayo oo dhan waa uu u soconayaa ajarkiisu.
  5. Qofka dhisa masaajid: inta masaajidkaa lagu tukanayo ee laga eedaamayo quraan iyo adkaarna lagu dhex akhrinayo ajarkiisu waa uu u soconayaa isaga oo ku jira xitaa qabrigiisa.
  6. Qofka musxaf laga dhaxlay: musxafka waxa la idhaahdaa shay asta oo qur,aan lagu qoray ama loox ha noqdaan ama harag ayaa musxaf la idhaahdaa, qofka dadka uga taga intaa mid waxa uu ajarkiisu u soconayaa inta la adeegsanayo oo dhan.
  7. Qof ka tagay ilmo usoo duceeya una soo danbi dhaaf waydiiya, qofkaana waxa ay ugu imanaysaa qabriga mar waliba oo ay ubadkaasi usoo duceeyaan.

Ugu danbayn, waxa inala gudboon in aynu ku dedaalno acmaashan kolba kii aynu awoodno, oo aynu usii shaqaysanno waqtiga aynaan awoodin in aynu hal camal oo ina anfacaya sameyno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *