Waxa aynu maqaalkan kusoo gudbin doonaa taxanaha qaybtii saddexaad ee ducooyinka qur,aanka kusoo arooray, waxa aynu kusoo qaadan doonaa laba duco oo kamida ducoyinka qur,aanka.
Ducada afaraad ee taxanaha ducooyinka qur,aanka:
{رَبِّ لَا تَذَرْنِى فَرْدًا وَأَنْتَ خَيْرُ الْوَارِثِينَ}
Ducadan ayaa ah ducadii uu nabi Sakariye CS ku baryay Ilaahay SW si uu u siiyo walad saalixa oo diinta ka dhaxla, ducada ayaa sidan u dhigan “Allahayoow kali haygaga tagin kuwa wax dhaxalana adigaa ugu khayr badan”.
Ducadan kaliya maaha kuwa doonaya inay ubad dhalaan, waxa dhici karta inaad ubad dhashay lakiin ay kaa tageen oo ay kaa fogadeen, waxa dhici karta in aad dareento cidlo iyo kalinimo xaga nolosha ah, ducadan ayaa dhamaan koobaysa arrimahaa.
Ducadani sidoo kale waxay la gaar tahay oo adeegsan kara dumarka ama hablaha guurku ka raagay ee doonaya in ay helaan nin wanaagsan oo ku lamaaneeya nolosha.
Mid ka mida culimada islaamka ayaa qiso dhex martay isaga iyo hooyo da, ah inoo sheegaya waxa uuna yidhi,
”waxa ii warantay mid kamida hooyooyinka waxay igu tidhi waxa aan noolahay kaligay, ninkaygii wuu dhintay, hablahaygiina mid waliba nolosheeda gaarka u ah ayay wadataa waxa aanay ku noolyihiin waddan aan ahayn kaan ku noolahay, waxa aan bilaabay in aan dareemo kalinimo daran, waxa aan bilaabay in aan ku ducaysto ducadan maalin walba intaan awoodo, keddib waxa ay iigu dhaaratay in ay kulmeen hablaheedii, imikana ay in badan la soo xidhiidhaan ayna kulmaan”.
Ducada shanaad ee taxanaha ducooyinka qur,aanka:
{لَأ إَله إِلَّآ أَنتَ سُبْحَانَكَ إِنِّى كُنتُ مِنَ الظَّالِمِينَ}
Ducadan ayaa ah ducadii nabi yuunus CS ku ducaysanayay markii uu nibirigu liqay, nabi yuunus ayaa akhrinayay ducadan isaga oo ku jira saddex mugdi oo kala ahaa, mugdiga caloosha nibiriga, mugdiga badda iyo mugdiga habeenka.
Ducadan ayaa ah ducada qofka looga kor qaadayo dhibta, balaayada, masiibada iyo culays walba oo qofku ka cabanayo.
Nabi maxamed NNKH ayaa maqlay nin ku ducaysanaya ducadan, kedib waxa uu yidhi “waxa uu ku baryay magaca Eebe ee wayn, kaasoo hadii lagu ducaysto la aqbalayo”.
Ducadan ayaa koobsanaysa tawxiid, tasbiix iyo danbiga oo la qiranayo, waana saddex arrin oo Eebe korreeye jecelyahay.
Nin ayaa nabi Maxamed NNKH waydiiyay in jawaabta Eebbe SW ee ducadan ay tahay mid kugaar ah sayidkeen Yuunus CS, nabiga ayaa ugu jawaabay NNKH: maya, waa mid mu’miniinta oo dhan u furan, miyaanad maqal qawlka Eebbe SW {وَكَذَالِكَ نُنجِى الْمُؤْمِنِينَ}.
Hadii aad dareemayso culays dhinac walba ah, ku celceli ducadan inta aad awoodo, waxaad noqotaana mid aaminsan in la aqbali doono ducadiisa, intaa kadib waxa aad dareemi doontaa raaxo iyo deganaan marka aad ku kalsoonaato in Eebbe SW kaa dul qaadi doono dhibaatada.
Ugu danbayn qof walba oo culays iyo balaayo haysato, waxaad ugu bushaaraysaa in uu Eebbe ka dul qaadayo, isaguna uu ku celceliyo ducadan, waxa kale ood u sheegtaa in uu Eebbe dhamaan dadka mu’miniinta ah u ballan qaaday in uu culayska ka dul qaadayo.
Ilaahay ayaa SW ballan qaaday in uu kuwa mu’miniinta ah badbaadinayo, isla markaana ballan qaadka Eebbe wuxuu ahaaday mid imanaya. {وَكَذَالِكَ نُنجِى الْمُؤْمِنِينَ}, {إِنَّهُ كَانَ وَعْدُهُ مأْتِيَّا}.