Hijradii koowaad ee dhulka xabashida.
Nabi Maxamed NNKH ayaa markii uu arkay culayska iyo dhibaatada ay qurayshi ku hayso intii raacday waxaa uu faray asxaabtiisii in ay u hijroodaan dhulka xabashida, keddib waxaa u baxay hijradii koowaad toban ni oo kamida asxaabtii rasuulka iyo shan dumara, waxaa kamid ahaa Cusmaan Binu Cafaan iyo xaaskiisii Ruqiya ina Rasuul NNKH.
Waxaa ay soo noqdeen saddex bilood keddib sababtoo ah tiradooda oo yarayd iyo xanuunka ay kala kulmeen qariibnimada, hijradaa iyo bixitaankaa ay baxeen asxaabtaasi ayaa ahayd hijradii ugu horreysay ee loo hijroodo diinta islaamka.
Mar labaad ayaa uu nabi Maxamed NNKH faray asxaabtiisii in ay u hijroodaan dhulka xabashida, sababtuna waa in ay sii korodhay culayskii kaga imanayay quraysh, markan waxaa baxay 73 nin iyo 11 dumara, xilliga ay dhacday hijradanina waxay ahayd sannadii todobaad ee nabinimada.
Hijradii labaad ee Makka illa Madiina.
Socdaalkan amma hijradan ayaa ahayd dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee dhacay intii ay socotay dhaqdhaqaaqii dacwadda kaas oo illa maantana socda.
Quraysh ayaa aragtay sida ay diintu ugu faafayso magaalada madiina, keddib waxaa ay bilaabeen in ay kusii kordhiyaan dhibaatada ay ku hayeen muslimiinta intii la joogtay, keddib nabi Maxamed NNKH ayaa faray in ay asxaabtiisu u hijroodaan magaalada madiina, oo ay la midoobaan walaalahooda Ansaar.
Waxaa ay baxeen iyaga oo baqanaya, waxa ay ka baqanayeen in ay qurayshi ka hor istaagto safarkooda, keddib waxa ay dooneen in uu sii raaco Abu-Bakar lakiin nabiga ayaa u diida oo waxa uu ku hadhay nabiga.
Quraysh ayaa markii ay aragtay arrinku sida uu usocdo waxaa go,aan ku gaadheen in ay si wada jira u dilaan nabiga NNKH, keddib waxaa ay qabiil kasta kasoo kaxeeyeen hal inan, waxaana ay sameeyeen koox ay ugu talo galeen in ay si wada jira u dilaan nabi Maxamed NNKH.
Sababta ay sidaa u sameeyeena waxaa ay ahayd in aan dilka nabiga hal qof amma hal qabiil dusha looga tuurin, oo qabiilka uu ka soo jeedo nabigu ay waayaan cid ay dusha ka saaraan dilkiisa, maadaama ay carabtu xilligaa jaahiliga ku dhaqmi jireen qabyaaladda.
Ilaahay SW ayaa ogaa qorshaha ay u maleegayaan nabi Maxamed NNKH, keddib waxaa la faray in uu iskaga hijroodo magaalada makka oo uu u hijroodo magaalada Madiina, nabi Maxamed NNKH ayaa intaa dabadeed u jihaystay saaxiibkii Abu-Bakar waxa uuna usheegay amarka Rabbi, waxa uuna waydiistay in uu raaco, Abu-Bakarna waa uu ka yeelay.
Habeenkii uu nabigu go,aansaday in uu baxo, waxaa gurigiisa isku wareejiyay dhalinyaro ree quraysh ah, kuwaas oo rabay in ay dilaan nabiga NNKH, nabiguna aqalka guduhiisa ayuu ku jiray.
Markii ay gaadhay waqtigii bixitaanka, nabiga ayaa ka codsaday inaadeerkii Cali Binu-Abidalib in uu seexdo furaashkiisa si aanay uga shakiyin joogitaankiisa.
Intaa keddib waxaa uu nabi Maxamed NNKH usoo baxay cadowgiisii ku sugnaa dibadda, Ilaahay ayaana hurdo kuso tuuray oo way wada gam,een, nabiguna si dhib yar ayuu usoo dhaafay.
Quraysh ayaa markii ay ogaatay bixitaanka nabiga waxa ay dhalinyaradoodii u kala direen jihooyinka dhammaan waxaa aanay u ballan qaadeen qofkii soo hela nabi Maxamed iyo Abu-bakar in uu helayo abaal marin dhan 100 geela kiisa cas cas ah.
Heer waxa ay gaadheen ay dul imaadaan godkii ay ku jireen nabiga iyo abu-bakar, oo haddii mid kamidii uu hoos usoo eego uu arki lahaaba, lakiin Ilaahay ayaa ka indhosaabay.
Ugu danbayn, dhawr jeer oo ay u dhowaayeen in ay qabtaan waxaa ka badbaadiyay Ilaahay SW, illaa ay markii danbe si nabada usoo galeen magaaladii ay usocdeen, taasoo si heersare ah loogu soo dhoweeyay, waxa aanay halkii kasii wadeen dadaalka loogu jiro faafitaanka diinta.