Ducada waxa asalkeedu yahay kalmad carabi ah taaso la micno ah marka Somali lagu turjumo ‘codsi, baryo ama Alla bari’.

Ducadu asal ahaan waa muujinta u hogaansanaanta Eebbe iyo baahida qofka.

Doorka ay diinta islaamka ku leedahay ducadu:

Muslimiinta ducadu waxay u tahay cibaado qoto dheer oo ay baahidoda ugu sheeganayan Ilaahay uguna dhowaanayan.

Nabi Maxamed waxa uu yidhi NNKH “Ducadu iyadaaba cibaado ah.”

Waxa si gaara loo xoojiyay in la ducaysto, siiba qofka muslimka ah oo la rabo inuu Ilaahay baryo xaalad kasta oo uu ku suganyahay.

Muslimiinti hore waxay ku dedaaleen in ay qoraan oo ay weeleyaan ducooyinki nabi Muxamad NNKH iyo qoyskiisa si ay ugu soo gubiyaan jiilasha ka danbeeya.

waxa ay jiilashii inaga horeeyay ee islaamka soo maray ay inoo diyaariyeen diwaano lagu dhigay ducooyinki nabiga iyo qoyskiisaba.

Waxaa ka mida diwaanadan kitaabka adkaarta ee Al-imam Al-Nawawi iyo kitaabka Xusnul-muslim.

Diwaanadan ayaa ino fudaydiyay in aynu barano sida uu Nabi Muxammad NNKH uu Allah u baryi jiray.

Qaybaha Ducada:

Ducaa al-mas’alah (wax waydiisiga)

Waa ducada uu adoonku baahidiisa u sheeganayo Allah ama cid kale oo adoomihiisa ka mida, waxa aanay u qaybsantaa laba qaybood.

Duca al-cibaada  (Cibaada)

Ducada uu adoonku Rabbigii waydiisanayo isagoo ajar iyo xasanaad kaga doonaya aya loo yaqaan Duca al-cibaada, waana cibaado sida cibaadooyinka kale ee salaada, soonka iyo sakada.

Waa lagu ajarsiinaya adoonka mana banaana in loo leexiyo cid aan Allah ahayn.

Faa, iidooyinka ducada:

Ujeedada uguweyn ee adoonka loo abuuray waa cibaado, sida xadiiska aynu kor kuso xusnay sheegayo, “ducadu iyadaaba cibaado ah” (Al-Tirmidi).

Cibaado kasta ujeedada ka dambaysa waa in Eebbe loo aqoonsado inuu yahay abuuraha iyo awoodda wax walba leh.

Waa in uu qofku u dhaqmo siduu Eebe doono oo aanu u dhaqmin sida uu isagu rabo.

Qaar kamida faa,iidooyinka ay leedahay ducadu:

  1. Amarka Eebe oo aynu adeecno, xilli uu quraankisa ku yidhi Allah sareeye (أْدْعُونِي أسْتَجِبْ لَكُمْ)
  2. Ducadu waxay ka hor tagaysaa cadhada Eebe, waxa uu nabigu yidhi NNKH :(qofka aan Allah wax weydiisan wuu u cadhoodaa).(Abu-Da,uud)
  3. Ducadu waxay hor istaagtaa dhibaatada adoonka kusoo socota, waxa uu nabigu idhi NNKH :(ma jiro qof muslim ah oo ducaysta, ducadiisana aanay ku jirin wax dambi ah ama qaraabo goys ahi, illa Eebe waxa uu siiya saddex mid uun: in ducadiisa laga aqbalo, in maalinta qiyaame dib loogu dhigo, iyo in lagaga difaaco dhibaato kusoo socotay).(Axmed)

Ugu danbayn ducadu waa cibaadada kaliya ee Ina siinaysa fursad aan kula xidhiidhi karno Allah koreeye qaabka aynu doono.

Hadaba waa in aynu maskaxda ku haynaa in aqbalaada ducadu ku xidhantahay waxa uu adoonku Rabbigii ka fisho.

Nabi Muxamed NNKH waxa uu xadiis inoogu sheegay in uu Allah idhi ‘’waxa aan adoomahayga ula dhaqmaa sida ay iga fishaan’’ (Al-Bukhaari, Muslim).

Markaa waxa aynu isku baraarujinaynaa in aynu wanaajinno filashada Rabbigeen aynu ka filanayno, sidoo kalena acmaal la nimaadno wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *